10-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Todobaadka Ugu Horeeya Horyaalka Premier League Oo La Oo La Soo Saaray 2021-2022
Waxa la soo dhaafay todobaadkii ugu horeeyay horyaalka premier League iyada oo ay kooxaha ka ciyaara soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah laguna raaxaystay kulamada muddo 3 maalin ah.
Kooxaha waaweyn ayaa dhamaantood badiyay marka laga reebo kooxaha Arsenal iyo Man City oo guuldaro ku bilowday xilli ciyaareedka cusub xilli sidoo kale ay xiddig badan qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.
Xiddigaha ka qayb galaya tartanka ayay qaar ka mid ah haatanba soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah waliba ku soo jiitay indhaha taageerayaasha kala duwan ee horyaalka.
Kooxaha Liverpool, Chelsea, Man United iyo Tottenham ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay waliba gaadhay guulo muhiim ah halka kooxaha Arsenal iyo Man City dhulka la dhigay kulankoodii ugu horeeyay.
Hadaba wargayska Mailonline aya soo saaray liiska 10-kii xiddig ee ugu fiicnaa todobaadkii ugu horeeyay horyaalka premier League.
- Bruno Fernandes (Manchester United)
- Paul Pogba (Manchester United)
- Mohamed Salah (Liverpool)
- Michail Antonio (West Ham)
- Richarlison (Everton)
- Ismaila Sarr (Watford)
- Said Benrahma (West Ham)
- Son Heung-Min (Tottenham Hotspur)
- Christian Norgaard (Brentford)
- Marcos Alonso (Chelsea)
0 Comments